December 2, 2016 | Posted by admin

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Amed Cali Xaashi oo Maanta shir Jaraa’id qabtay ayaa ka soo Hor jeestay xildhibaana ka soo jeeda Qaar ka mid ah Gobalada Waqooyi oo lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in dad gaar ah ay leex sadatay xildhibaanada lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa Farta Ku goday Gobalada xildhibaanadooda fara gelinta lagu Hayo Waana Sool. Sanaag. Iyo Cayn.

Sidoo kale waxaa asna halkaasi ka hadlay Madaxwayne Ku xigeenka Puntland ENG C/xakiin Xaaji Cumar camay oo shirka Jaraa’id qayb ka ahaa waxa uuna sheegay in aysan Socon doonin qaabka ay wax uga socdaan Magaalada Muqdisho.

Hadalka Maamulka Pntland ayaa imaanaya xili dhawaan Muqdisho lagu doortay Xildhibaano uu ka mid yahay Mahad Cabdalla Cawad oo doorashadiisa dadka qaar kood ay muran Geliyeen.

Maxamed Daacad Muqdisho,

COMMENTS