July 25, 2014 | Posted by admin

Garoowe- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa soo bandhigtay heshiis ay la gashay dowladaha Jabuuti iyo Yemen,waxaana heshiiska la sheegay inuu la xiriiro Kalluumaysiga.

Wasiirka kalluumeysiga Puntland, Xasan Maxamuud ayaa shir ay yeeshen wasiirrada Puntland,waxaa looga dhageystay warbixinno ka hadlaya heshiis-yadda uu la soo galay dowladda Yemen iyo Jabuuti.

Waxuu sheegay wasiirku inuu yahay heshiisku mid qeexaya is-afgarad dhexmaray Puntland iyo dowladaha Jabuuti iyo Yemen,waxaana heshiiskaas lagu xakameyn doono kalluumeysiga sharci darada ah.

Dowladda Yemen iyo Jabuuti,waxaa dhankood heshiiska Puntland ay la galeen u saxiixay wasiirrada Kalluumaysiga ee dalalka.

Marka loo eego kalluumeysatada dalka Yemen waxaa ay horay uga jillaaban jireen xeebaha qaar ka mid ah sida Puntland, inkastoo markii ay dillaaceen kooxaha burcadbadeeda ay dhibaatooyin kala kulmeen, taasoo keentay in kalluumeysigooda uu hakad galo.

COMMENTS