August 22, 2016 | Posted by daacad yare

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare C/waaxid Cabdulle Warsame ayaa ka hadlay Qaraxyadii shalay lagu weeraray xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan waxba u arki doonin weerarkii ka dhacay sidoo kelana ay bilaabi doonaan qorshe Shabaab looga aar gudanayo maadaama shacab iyo Mas’uuliyiin badan ay uga dhinteen weerarkii Gaalkacyo oo ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab ay yihiin cadowga umada loona baahan yahay in Hal meel looga soo wada jeesto.

Wuxuu shacabka Mudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga hortago loogana guuleysto weerarada Shabaab mararka qaar ay ka geystaan gobolka Mudug.

Shalay ayay aheyd markii weerar Qaraxyo loo adeegsaday uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana Qaraxyadaas ku dhintay 30 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 50 Qof.

COMMENTS