January 17, 2013 | Posted by admin
Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay guulo ka gaareen dagaal shalay Shabaab ay kula galeen buuraha Galgala ee Gobalka Bari.

Sida uu warbaahinta usheegay taliyaha ciidamada maamulka Puntland ee Buuraha Galgala Jaamac Siciid Warsame (Afgaduud) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen Shabaabka buuraha galgala ku jira.

Wuxuu sheegay in ciidanka Puntland ay qaadeen weerarka ayna ku qaadeen fariisin dhanka laamiga xigta oo ay Shabaab ku lahaayeen isaga oo sheegay in howgalkaasi intii ay kuguda jireen ciidanka Puntland uusan jirin khasaaro kasoo gaaray.

Taliyaha ciidamada maamulka Puntland ee buuraha Galgala ayaa sheegay in goobta ay weerarka ku qadeen ciidankooda ay kala wareegeen Shabaab,islamarkaana iminka ay ku sugan yihiin ciidamadooda sida uu sheegay.

Dagaalka Shabaab lagula jira ayuu sheegay inuu sii socon doono ilaa Shabaab deeganada maamulka Puntland laga saarayo,isaga oo intaasi ku daray in go’aanka Shabaab weeraro culus loogu qaadayo ay leedahay maamulka Puntland.

Ciidamada Maamulka Puntland iyo sidoo kale kuwa Shabaab ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaraa deegaanka Galgala halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Ururkaasi.

COMMENTS