October 24, 2016 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali max’ed Cali gaas,ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka dambeyso dagaalka ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug oo u dhexeeya Maamullada Galmudug iyo Puntland.

C/Wali Gaas oo maanta ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Dagaalka Gaalkacyo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu doonayo in lagui baajiyo doorashada Soomaaliya ka dhaceysa.

Waxaa uu sheegay in Maamullada Puntland iyo Galmudug, aysan wadin dagaalka ee ay ka dambeyso Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu muujinayo sida aysan Dowladda diyaarka ugu ahayn nabad ka dhalata dalka,waxaa uu sidoo kale sheegay in midnimada iyo nabadda oo la dhibaateeyo aysan Puntland u dulqaadan karin.

Madaxwaynaha Gaas ayaa shacabka puntland usheegay in difaacdaan dhulkooda waxa uuna sheegay in puntland ay diyaar utahay Nabad ka dhalata Galkacayo.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS