April 25, 2012 | Posted by admin

Puntland Ma Dowladbaa Mise Waa Maamul goboleed?

Dadka  soomaaliyeed  badidooda ayaa waxay is weydiinayaan  su,aashan  ( Puntland ma Soomaaliya  mise waa Dowlad  gooniya ? haddaba annigoo og in dad  badani xasaasiyad ka qaadayaan   markay  arkaan xaqiiqo ka waran  iyo   kala cadaynta  arimaha  laysku maandhaafsan yahay  bal aan hoos ugu daadego.

Horta  maahmaah soomaaliyeed  ayaa tidhaahda  “Bisayl iyo cayriin waxii u dhaxeeyaa waa yacyacood „ waxay  ujeedada maahmaahdani  tahay  in shaqsigu waxaa uu sheegayo uu  kala cadeeyo ee aanu  isku meeraalaysan   sida  neef muqlaysan oo ay reer Puntland  ama ka dhawaajiyaan  gooni isu taag  siddaa walaalaha Somaliland ama ay ku daba faylaan Madaxdooda  Dowlada KMG.

Puntland  Ma Dowladbaa?

Markay  madaxda Puntland hadlayaan waxaad arkaysaa calanka  Jamhuuriyada  Soomaaliya oo ag babanayaa  haddana waxaad arkaysaa  haddana  inaysan Puntland  ahayn   Maamul iyo  Dowlad goboleed ka tirsan  jamhuuriyada   Soomaaliya  sababtoo ah waxay baal gurayaan mar walba  Dowladii dhexe  iyaga oo aad moodo inay  wax  boobayaan ama  wax lagala fakanayo oo kalsooni darro  badan ka   muuqato.

Dastuur  beeleedka Puntland

Puntland   waxaa hadda  ay ansixisay  Dastuur gacan ku rimisa sababtoo ah  waxaan  maqli jiray  beel ka mida beelaha soomaaliya inay  leedahay  Xeer  hore oo ay dejiyeen haddana la qoray oo la  yidhaahdo (Xeer ……) Beeshan  Soomaaliyeed ayaa xeerkeedani yahay mid u gaara oo  dhexdeedana wax ku qaybsato  beelaha kale ee walaalahoodna wax kula qaybsato  haddaba  Dastuurka Puntland  saw maaha  Xeer kaas la mida oo beel soomaaliyeed  samaysatay  saw lama odhan karo waa ( Xeer…..)  dad baa ka xanaaqaya xaqiiqada aan  xusayo balse  ninkastaa waxuuu sheegto waa lagu suntaa annigu soomaali kama dhex saarin  Puntland ee iyagaa iska dhex saraay  haddaba waxuu noqonayaa  xeerkii labaad ee beel soomaaliyeed samaysato marka magaca yaan laga qaldine ( xeerka   Beeshii hore  waxuu ahaa xeer ku salaysan dhaqanka iyo xeer hoosaadkooda  beelleed)   qoladan danbena waxay ku salayeen  Xeer beeleedka cusub  Sedbursi iyo siyaasada   balse  waa xeer ku kooban deegaan iyo beel  walaalo ah oo isku ab iyo oday ahi degto oo aan cid kale  tarixin.

Waxay  samaysteen  Astaan marreed  ay ugu yeedheen Calan   calanka ama Summada  Puntland  uma diidani  awal horeba  dhaqan  soomaaligii  beelaha soomaaliyeed way kala  suntan jireen xoolaaha  oo waa la yaqaanay   xoolaha  meeshaas daaqaya  inay  leeyihiin    ( Beel heblaayo) waase  xeer   cusub in dadka la suntado   waan arkay  qaybo ka mida  wadamada nala deriska ah sida  Itoobiya iyo kenya iyo suudaan  dadka waa la suntaa  balse  soomaalida  sumad  jidhka  ma aysan  samaysan ee Summado  maryo ah ayay samaysteen lagana yaabee ugu danbayn in la gaaro  in dadkana loo sameeyo sumad aadan weydiin ama ku kahdoomin qoladiisa oo wejiga kaga taal.

Aan u soo gudubno  ujeedada  qormadayda  iyo su,aasha  kor ku xusan  Federaal xanuun la yidhaahdaa  dadka  badidooda  jeexay oo  dhex qaaday mana yaqaan cidda samaysata iyo qaabka loo samaysto, ( Hal booliya nirig xalaala ma dhasho) Maamul beel ku salaysan iyo abtirsiimo  ma noqon karaa?!   federaal  jawaabta waxaan u dhaaafayaa  qofka  soomaaliga ah ee aqrisanaya  ku sii tiigaali maayo halkan oo qormooyin hore ayaan qoray ka qorshaha  federaalka oo ay ugu danbeysay  (Fitnada Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu Ma Guul la Gaadhaybaa Mise Waa Geeri iyo kala Guur Hor leh) waxaan u malaynayaa  nin aan waxa soo socda  garanin  waxa joogana  ma garto  .lingaxan hoose  ka aqriso.. //somalitalk.com/2012/03/13/qoraagu-faaladan-wuxuu-u-bixiyeyfitnada-federaalka/

//oodweynenews.com/articles/67686-maamul-goboleedyadu-ma-guul-la-gaadhaybaa-mise-waa-geeri-iyo-kala-guur-hor-lehby-cabdiraxiin-hilowle-galayr.html

Hadda ka hor ayaa  wiil hooyadii  kula talisay inuu neef geela u qalo oo aysan  deriska iyo ehelladooda kale toona waxba ka siin  ee  inta  saanta  maqaarka   haraga meel ka dalooliyo marba  cad ama qayb  uga soo gooyo  oo  ay halkaas ka dhuuqaan muddo  wiilkii arintaas waa ka madax adaygay  balse hooyadii  waa  ku adkaysatay   isaga oo og waxa ka imanaya ayuu ka yeelay   waxaa  maalmo ka dib meeshii qabsatay  Ur iyo Qadhmuun soo butaacaya    Hooyadii wiilka ayaa qaylisay oo tidhi waa maxay wiilkaygiiyoow waxaa urayaa wiilkii meel fog jawaabta kama doonin ee waxuu yidhi waxaa urayaa  waa  Taladaadii hooyo!! Waxaan uga socdaa  dadka soomaaliyeed  ee laysku yidhaahdo Soomaalida  koonfureed  muddo ayay  qaylinayeen war xaalka sidan halaga daayo  war  Puntland waa gobol soomaaliyeed  yaan been laysu sheegin  war beeshani ama ha goosato oo madaxbanaani haku dhawaaqdo ama dadka wax hala qabto  hadda waxaad moodaa   waxaa la yidhi  ruuxii baxayaa indhahaa casaadee inay  xaalkii u gudbay gediga kale oo damacii indhaha la`aa iyo  qabyaaladii qaawanayd iyo hunguri xumadii loo gudbiyey in wax lagula qaybsado ama lagula xaajoodo  Somaliland .

Heshiiska iyo wadahadalka   labada  dhinac ee Somalia iyo Somaliland  ayaa lagaga dhawaaqay  shirkii london waxaana  lagu koobay Somaliya iyo Somaliland  balse wax qayb ah ama xubin ah kuma  aysan  lahayn  Maamultuuleedyada sida Puntland , waxaa  shirka  lagu iclaamiyey inuu dhex maro  Somaliland & Dowlada KMG oo magaca soomaaliyeed ka masuula  iyo somaliland oo qadiyadeeda oo xadkeeda iyo intay xeeratay ka masuula  ayaa bulshada caalamku u soo bandhigtay inay waxuun isku afgartaan   Israac iyo Go`itaan  kuu doonaba ha ahaadee  oo lagu yidhi   wada hadla waxna isku raaca  mawqif midaysana noola kaalaya oo aydaan isku khilaafsanayn.

Maxaa dhacay haddaba   waxaa dhex orday markiiba   Odaygii Faroole oo af labadii yeedhay oo leh  anniga wax layga weydiinayaa   aniggaa  arintaas taladeeda iga go`daa  anigaa soomaaliya ka masuula  weger  Annaaniyad badanaa  dadkii oo dhan ayaa yaabay  waxaa lays weydiiyey  war ninku  muxuu isu maleeyay  ileen  maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd    (Nin anni yidhi dad iska reeb ) Durtadiiba waxaa la gudo galay  xulitaankii gudiyada labada dhinac ee  gogolxaadhka wadahdalka  labada dhinac waa Somaliland iyo Somalia markaasaa  waxaa  qoladii Soomaaliya  soo xushay  7 xubnood  Shan wasiir oo soomaali ah iyo laba  wasiir oo puntland  ah  Weger iyo ka waasacan  oo Puntland miyeysan  soomaali ahayn? Weli waxaa  taagan Su,aashii  jawaabteeda  shacabkaan u dhaafayaa

Haddaba  Aqristoow adigu  gar eexaad aan naqayn   caadifadana iska ilaalinayaa  Ama Somalia  taageersanow ama  Somaliland   Ama Puntand   oo haddana saw tan su,aashii soo noqotay  Puntland miyeysan Soomaali ahayn?

Puntland Somali maaha  waayo waxay leedahay  calan gooniya  Dastuur gooniya   baarlamaan gooniya  madaxweyne  gooniya ,  waxaa  haddana kaaga sii daran  ee kama  amar qaadato mana hoos tagto  Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra,iisalwasaarihiisa  oo Ra,iisalwasaaruhu saw  4.5 kuma  Iman oo Puntland kama socdo maya  Ra,iisalwasaaruhu  lacala  haddii Puntaland  Soomaaliya ka mid noqoto ayuu meesha u sii joogaa waa boos celis ee ma metelo waayo hadduu metelo saw kumay kalsoonaadeen? Kaaga sii daran  Puntland  dhaqaalaha cashuurta  dowlada dhexe ma bixiso kama qayb cid war u haysaana ma jirto waxaa soo gala iyo waxa ka baxa  haddana  wax walba  oo deeq ah waxbarasho caafiimaad  , barnaamij horumarineed  3 meelood   meel ayay doonaysaa  cajiib oo haddii aysan dheefba  ogolayn oo aanay wax qaybi ogolayn  sideebay qayb ku heshay? Dowlada ku meelgaadhka ah waxaa laga masruufaa, Xildhibaan  kasta oo 18ka gobol ka yimid iyo wasiir kasta iyo xubin walba  dhaqaalaha dekada muqdisho  iyo Aadan cadde international  Airport  oo maxay Puntland  dhaqaalaha wax uga bixin weyday Puntland  maxay uga bixinaysaa dadkii soomaaliyeed   ee dhex marayey ayey aqoonsi weydiinaysaa waxaan  Puntland ahayne  waxay  ku xukumaysaa dil iyo xadhig haddaba Puntland ma Soomaaliba mise Maaha ? Aqristee Su,aashan  meel gee  adigay ku sugaysaa  Jawaabteeda   fadlan iyada oo kala dhigan naga dhergi.

Maamulgoboleed ma diidin,  Gudoomiye  maamul goboleedna ma diidin,  Gole  deegaan oo 21 xubnood  ma diidin,  xeer hoosaadka  golaha deegaanka iyo gudi kooban oo  guurti ahna ma diidin   laba Gobol  iyo badh ma diidin , balse waxii intaas dheer  dee waa dowlad kale ee yaan nalagu daalin intaan Somaliland  la gaadhin horta  Garoowe  soomaaliya halagu soo darro!

Madaxweyne  waa mid keliya waa kan Dowlad KMG  cidduu doono iyo gobolkuu doono haka soo jeedee  inta kale waa laab la kac iyo ruwaayad iyo riyo soo jeeda.

Dastuur waa kan dowlada ku meelgaadhka ah ama kan  xaaraanta ah ee  la qorayo  qabyada qoraalka ah, ama kii lixdankii ha noqdo ama  Axdiga ku meelgaadhka ah

Dastuur waa kaas dowlada KMG ahi gacanta ku hayso waxii ka soo hadhaa waa xeer beeleed.

Calankuna waa  kan Jamhuuriyada  Soomaaliya  ee Buluuga ah  xidigta shan geeska ahina dhexda kaga taal waxii kasoo hadhayna waa calal beeleed iyo summad  qabiileed aan  geed loogu gaban .

Somaliland  qadiyadeedu way ka duwan tahay qadiyada  Puntland sababtoo ah somaliland waxay  qaadatay magacan( Jamhuuriyadda Somaliland جمهورية أالصومال أرض Republik Somaliland) waayo  go,aankoodu waa cad yahay  ama haw rumoobo ama yuusan rumoobin   balse xaalada Puntland waa ( Bareejo waxool waa guul) waayo  dastuurka Somaliland  waxaa loo codeeyey 2001 oo gebi ahaan  75% laga qaaday afti  ummada reer somaliland   balse   inuu afduub yahay  Xeerbeeleedka  Puntland waxaa qol lagu xareeyey  470 qof oo  isugu jira  rag iyo haween  aad ugu goomoon in shaashada laga arko oo aan  ogayn   waxaa hubaal ah inuusan jirin  hal shaqsi oo aqriyey waxaa ku qoran  dhawrkii qof ee aqriday ee soomaalinimadu ku jirtay way ka xishoodeen wayna diideen  intii kale  way iska taageen gacmo laba iyo lugo xitaa  taasi waxay cadaynaysaa inuu xeer beeleed yahay.

Waxaa kuu soo hadhay haddii puntland  nabad ku dhaadan jirtay iyo amni iyo isku xidhnaan maxaan dadka  xeer beeleedka looga qaadi waayay afti  saw halkaasi isma burinayso  ma dastuurka af duubka  ee qabyo gumaysiga qoraalka ah oo kalaa  mise marxalada gobolada soomaaliyeed ayay la wadaagtaa  amnidarada iyo  maamulxumada   jawaabtu waa haa

Haddaba maxay ku mutaysatey sedbursiga iyo  anna way kan.

Waa Su`aale Shanta gobol waa kuwee  ee Puntland  sheegatay  ileen Sool xaalkiisa waan ka war haynaa  oo Somaliland iyo Khaatumaa isku horfadhiya  iyo qaybo ka mida  sanaag iyo buuhoodle   Ma bari iyo Nugaal iyo Xaafad gaalkacayo ah ayaa  shan gobol noqday  oo weliba  sadex maamul goboleed  lagaga dhawaaqay oo kala duwan   aduunyooy xaalkaa ba`a  waa  hadalkii wedkii galay

Rafaadka KMG, Riyada Puntland, Iyo Rasmiga Somaliland  wallee wareer baa ka taagan!

Qormadayda  waxaan ku soo afjarayaa  Puntland Xageed gaadhi karaysaa  boodo jaro bal aanu ku aragnee   (Durduro geelbaa ku jaba )  Riyona run noqon weyday  Soomaaliya  ama raac ama gooni isu taag cidina  kaa yeeli mayso  laba eefe.

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

COMMENTS