December 6, 2012 | Posted by admin

Maleeshiyada Gal-Gala ee ku xiran al-Shabab ayaa weeraray saldhig ay cidianka Puntland ku leeyihiin meel u dhow Gal-Gala.

11 Askarta Puntland ayaa dhintay, halka maamulku sheegay inay iyaguna dileen 7 maleeshiyoIn ka badan 11 askari oo ka tirsan ciidamada maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal deegaanka Sugurre ee gobolka Bari xalay saqdii dhexe ku dhexmaray ciidamada Putland iyo Maleeshiyaad Islamiyiin ah ee ka tirsan al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii maleeshiyaadka Galgala ay weerar ku qaadeen, goob ay degaanka Sugurre kaga sugnaayeen ciidamada Puntland, oo qiyaastii  45-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.

Askarta Puntland waxay dhinteen markii baabuur ay saarnaayeen miino la qaraxday.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay Ciidamada Puntland ku dileen 7 ka mid ah kooxdii soo weerartay, 12 kale oo dhaawac ahna ay la baxsadeen.
COMMENTS