May 24, 2017 | Posted by admin

Proff Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa  ku tilmaamay wax falaad ama dheel dheel ah in hal mar 15 guddoomiye degmo la bedelo kuwo cusubna la magacaabo.

Laanta Afka Soomaaliga ah ee Codka Maraykanka VOA oo wareysi la yeelatay Proff Yaxye Caamir ayaa waxa uu sheegay in shaqsi meel laga bedelo shaqsi kalana la geeyo aysan ahayn mid horumar u keeneysa siyaasada dalka, waxana uu xusay Proff Yaxye in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay xiliyadan dambe caadeysteen in xil laga qaado qof qof kalana loo magacaabo.

“Guddoomiyaasha xilka laga qaaday ammaankooda ayaa halis ku jirta mana jirto cid damaanad qaadeysa waayo ma aha diaspora ama qurbojoog.”ayuu yiri Proff yaxye.

Isagoo ka hadlayay guddoomiyaasha cusub ee la magacaabay ayuu Proff Yaxye waxa uu sheegay inay badankood yihiin kuwo dalka ka maqnaa sanadihii u dambeeyay lana socon xaalada dalka ka jirta.

“Saameyn ayay ku yeelan kartaa dooda ku saabsan maqaamka Muqdisho waayo xilalkan waxaa la magacaabay iyadoo lagu ballansanaa in magaalada Balcad shir lagu qabto kaasoo loogaga hadlayo Maqaamka Muqdisho.”ayuu yiri Proff Yaxye oo ka hadlayay dooda ku saabsan Maqaamka Muqdisho.

Proff Yaxye Caamir Xaji Ibraahim ayaa ka digey in labo maamul oo kala duwan uu yeesho magaalada Muqdisho isagoo soo hadal qaaday in la qorsheynayo in magaalada Balcad oo dhanka Waqooyi magaalada Muqdisho ka jirta 37km lagu qabo shir maamul loogu sameynayo caasimada dalka ee Muqdisho.

“Caasimad waa xaruntii dowladii dhexe ay degeneyd ee ma ahan caasimadu meel dadka oo dhan ay wada leeyihiin.”ayuu yiri Proff Yaxye oo qeexayay macnaha ereyga Caasimad.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay soo magacaabay 15 guddoomiye degmo iyadoo 5 kamid ahna ay yihiin dumar. Guddoomiyaasha la magacaabay ayaa waxaa markii ugu horeysay muddo sanado ah ka soo dhex muuqday dad aan ka soo jeedin caasimada dalka ee Muqdisho.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS