July 18, 2014 | Posted by admin


Toronto – Sida ay xaqiijinayan warar lugu kalsoonan karo,madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabi doonna safiirka Soomaaliya u fadhisan doona dalka Canada.

Madaxweyne,Xasan ayaa shaaciyey in la xoojin doonno xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka,waxuuna horay u sheegay madaxweynuhu in la dhameystiri doonno magacaabista dhammaaba safiirada dalalka caalamka u fadhisan doonna Soomaaliya.

Xilligan madaxweynaha Soomaaliya waxaa la sheegay inuu u magcaabi doonno safiirka Soomaaliya ee dalka Canada Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ,balse wali lama shaacin xilliga la magacaabi doonno.

Magacaabista Gaandi waxaa ay ku soo aadaysa xilli maalmo ka hor uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya muddo 23-sanno kaddib safiirka rasmiga ah ee Soomaaliya u fadhisan doonna dalka Marekanka,kaaso loo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

..””Madaxweynaha waxaa la sheegay inuu magacaabayo safiirka Soomaaliya ee dalka Canada,waxaana loo magacaabayo ilaa hadda sida an wararka ku heyno Prof. Maxamed Cabdi Gaandi,..”‘sida waxaa sheegay sargal sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsam.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo la sheegay in loo magacaabi doonno safiirka Soomaaliya ee dalka Canada,waxaa uu horay usoo noqday wasiirkii gaashandhigga Soomaaliya 2009 ilaa Noofember, 2010,xilligii madaxweyne Shariif iyo xukuumaddii Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Professor Maxamed Cabdi Maxamed waa siyaasi, taariikhyahan, wuxuuna aad uga horreeya Soomaalida kale aqoonta uu u leeyahay cilmiga dabeecadaha umadaha iyo sidey u dhaqmaan ee Anthropology.

Professor Gaandi wuxuu xifdiyey Quraanka kariimka isaga oo yar, wuxuu aad ugu wanaagsanaa waxbarashada maadiga ah, wuxuu dugsiga sare ku qaatey dugsigii sare ee Jamal Abdelnazer ama ALLAAHIDA, wuxuuna ka qalinjebiyey 1972. Wuxuuna kamid ahaa ardadii ugu sareysey sanadkaas Dalka oo dhan, sidaas darteedna wuxuu deeq waxbarasho dalka France, wuxuuna tagey France gaar ahaan jaaamacada Besançon University sanadkii 1972.

Professor Gaandi waxaa shahaado gudsiisey ururka the International Baccalaureate oo ah urur hogaamiyaasha tacliinta caalamka sharfa xaruntiisuna tahay Geneva, Switzerland.

Professor Gaandi wuxuu kasoo shaqeeyey UNDP Somalia, wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururada u dooda nabadda, wuxuu madax ka ahaa guddigii farsamada ee shirarkii Carta, Djibouti ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuuna hogaaminayey ururada bulshada shirkii Kenya ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed (AUN),Professor Gaandi waa qoraa sare, wuxuu qorey 12 kitaab iyo 50 maqaal cilmiyeed.

COMMENTS