September 6, 2010 | Posted by admin

Wasiirka Wasaarada Arimaha Bulshada Iyo dhaqan celinta Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ka warbixiyay kulamo u la qaatay Boqortooyada Sacuudiga,Jaaliyada Soomaliyeed iyo qaar ka mid ah Hey’adaha gargaarka ee dalalka Carabta.

Prof. Max’ed Cumar Dalxa Wasiirka arinaha Bulshada iyo dhaqan celinta ee Xukuumada KMG Soomaaliya oo isagoo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudiga la hadlayay Idaacada Dowlada ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu halkaasi kulamo kula qaatay Jaaliyada Soomaalida ee ku nool wadankaasi kuwaas oo uu sheegay in uu kala hadlay arimo badan oo quseeya xaalada Soomaaliya iyo sidii jaaliyada ay gacan uga gaysan lahayd caawinta walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka.

Waxaana uu tilmaamay in sidoo kale uu kualmo kula qatay magaalada Riyaad hay’adaha gar gaarka ee gudaha Sacuudiga ka howlgala, islamrkaana uu kala hadlay sidii hay’adahaasi ay u gargaari lahaayeen dadka dhibaataysan ee Soomaaliya iydoo lagaga faa’idaysanaayo bisha barkaysan ee Ramadan.

Sidoo kale Wasiirka arimaha Bulshada iyo dhaqanka ee Xukumada KMg Soomaaliya prof Dalxa waxa uu sheegay in gudaha dalka Sacudiga ay ka socdaan dadaalo lagu doonaayo in lagu hor istaago tarxiilka dowlada sacuudiga ay ku hayso dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dhibaatada dalkooda ka jirta kuwaas oo ay wadaan Culuma’udiiinka Soomalyeed.

Hadalka wasiirka ayaa ka danbeeyay kadib markii Dowlada Sacuudigu ay kordhisay Masaafurinta ay ku heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda.

 

 

COMMENTS