May 20, 2015 | Posted by admin

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa sheegaysa in xooggaga Daacish ay ciidammada dowladda ka qabsadeen magaalada qadiimiga ah ee Palmyra.
Qabsashada Palmyra ayaa guul weyn u ah xooggaga Daacish ee Suuriya.
Magaalada ayaa ku talla waddo muhiim ah oo isku xirta bariga iyo galbeedka dalkaasi.
Waxaa sidoo kale deegaanka ku yaalla goobo gaaska dabiiciga ah laga helo, kuwaas oo qiimo weyn u leh Daacish.
Magaalada ayaa waxa ay caan ku tahay xabsi weyn oo uu maamulka Suuriya ku xiri jiray maxaabiista siyaasadeed.
Balse qiimaha taariikhiga ah ee ay leedahay magaalada ayaa ah waxa soo jiitay indhaha caalamka.
Dagaalka ayaa burburiyay qeybo ka mid ah magaaladaasi qadiimiga ah. Waxaana maalmihii lasoo dhaafay laga daabulay Palmyra qaar ka mid ah alaabaha taariikhiga ah.
Balse taalooyinka, qabuuraha iyo macbadyada ku yaalla magaalada, ayaa hadda khatar ugu jira in ay burbururiyaan xooggaga Daacish.

COMMENTS