May 15, 2012 | Posted by admin


DUHUR-Iyadoo maalinta beri ah ay ku ekeed in Odoyaasha dhaqanka ay ku soo xulaan eragada ansixinaysa Dastuurka cusub ee uu yeelanayo Dalka Soomaaliya oo manta kulan ku yeeshay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu daray waqti dheeri ah.

Kulanka maanta Odoyaasha dhaqanka ay ku yeesheen Muqdisho oo ka duwaanaa kulamadii hore ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ururada Haween.

Waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka haweenka Marwo Maryan Aweys Jaamac waxayna sheegtay in haweenka 30% ay ku yeelan doonaan ansixinta Dastuurka.

Sidoo kale kulanka maanta waxaa ka hadlay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil isagoo sheegay in laga doonayo Odoyaasha dhaqanka inay dar dar giliyeen xulista 825-ka xubnood ee la doonayo inay ansixiyaan Dastuurka.

C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in kulan gaar ah oo ay xalay wada qaateen Ra’iisul wasaaraha ay go’aamiyeen in Odoyaasha dhaqanka laga dhursugayey inay soo xulaan ergada ansixinaysa Dastuurka balse uu waqtigaasi beri ku eyahay walina ay wax harsan yihiin.

Wuxuu sheegay in la doonayo inay soo xulaan Xubinihii ansixin lahaa Dastuurka labada Maalin ee dheeraadka ahna loogu talagalay inay ku soo dhameys tiraan xulista ergada ansixinaysa Dastuurka sida uu sheegay.

Odoyaasha dhaqanka ayaa looga fadhiyaa inay soo xulaan ergada ansixinaysa Dastuur cusub ee uu yeesho Dalka Soomaaliya.

COMMENTS