January 22, 2017 | Posted by admin

galdogob

Wararka ka imaanaya Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka jiro Khilaaf ka dhashay Dhalinyaro Gabar ku kufsaday Degmadaasi.

Odayaasha Degmada Goldogob ayaa ka soo horjeestay in Dhalinyarda Kufsiga Geystay lagu Maxkamadeeyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana ay sheegeen in aysan Caddaalad ku heleen Magaalada Gaalkacyo oo ay dooneyaan in Goldogob Maxkamad lagu saaro.

Bishii hore ee December ayey aheyd markii Wiilal Dhalinyaro ah ay Degmada Goldogob ku Kufsadeen Qof Dumar ah islamarkaana ay ka duubeen Muuqaalo Anshax Xumo ah oo ay soo dhigeen Baraha ay Bulshadu ku Xariirto,waxaana Falkaas ka Xumaaday Shacabka Soomaaliyeed.

Kufsiga Galdogob loogu geetay Gebar da’yar ah ayaa waxa ay kicisay Maanta dadka shacabka ah waxaana dhawaan la sheegay in xilkii looga qaaday Taliyaha Boliska Galdogob.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS