April 28, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho -Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku boorrisay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ansixinaya Dastuurka dalka in ay soo doortaan dad aqooyahanno ah oo dalka iyo dadka ka saarri kara xaaladda adag.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda mudane C/llaahi Goodax Barre oo ka hadlay araktida Xukuumadda ee ku aadan, kartimada ay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed u leeyihiin soo xullida madax aqooyahanno ah, ayuu sheegay in odayaasha Soomaaliyeed talla gacanta loo galliyay isla markaana looga fadhiyo in dalka ay u soo kordhiyaan Horumar iyo dowladnimo.

Wasiirka Qorsheynta ayaa tilmaamay in dalka xilligaani uu u baahan yahay madax la timaada Horumar iyo geesinimo, si Soomaaliya ay ugu soo laabato 20, sanno kaddib dowladnimadeedii, isagoo intaa ku daray in qorshaha ansixinta Dastuurka in ay ku Kalsoon yihiin.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay la yimadaan wanaagga iyo Kalsoonidii odayaasha dhaqanka dalkeenna lagu yaqaanay, maadaama xallinta maashaakilaadka Soomaalida soo kala dhexgalla loola laabto odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa farta ku fiiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay tixgallisay cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadaneyd arrimaha Dastuurka kaddibna wax gala baddellay.

COMMENTS