
DUHUR-Shalay kulan loo kala kicin ku lahaa xarunta ay ku shiraan ee magaalada Muqdisho ayaa go’aan mideysan oo ay soo saareen waxay ku cadeeyeen inaysan raali ka noqon doonin in habdeg deg ku jiro lagu meel mariyo dastuurka qabyada ah.
Odayaasha saddexda beelood waxay sheegeen inaysan suurtagali doonin ion ergada ansixinta dastuurka ee 825 la soo xulo iyadoo uu weli madmadsow ku jiro dastuurka qabyada ah oo ay ku dhaliileen inuu khatar gelinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Shabakada Raxanreeb oo la hadashay qaar ka mid ah odayaasha saddexda beelood ee kulanka lahaa ayaa ogaatay in odayaasha ay soo saareen illaa 11 qodob oo ka mid ah dastuurka cusub oo ay sheegeen in laga soo bedelo dastuurka ama gebi ahaanba laga saaro. Qodobadaasi waxaa ku jira;-
1- Qodobka jinsiyada oo ay sheegeen inuusan u qalmin Soomaalida
2- Qodobka xuduudaha dalka oo markale isbedel lagu soo sameeyey isla markaaba sheegaya in xuduudaha dalka laga gorgortami karo haddii loo baahdo.
3- Qodobka shuruudaha madaxda dalka oo aad loo fududeeyey lagana saaray arimaha sheegaya diinta iyo muwaadinimada.
4- Qodobka xoriyada diimaha oo dib looga soo daray dastuurka qabyada ah.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha saddexda beelood ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shaki badan ku jiro in waraaqaha loo keenay uu yahay dastuurkii rasmiga ah iyo in wax kale odayaasha loo dhiibay.
Odayaashu waxay dalbanayaan in 11 qodob ee ay u calaamadiyeen laga saaro dastuurka ama laga soo bedelo inta horeysana aan loo gudbi karin ansixin dastuur.
Xarunta shirka odayaasha uu ka socdo ee magaalada Muqdisho ayaa maanta duhurkii waxaa soo gaaray xubno ka mid ah golaha wasiirada DKMG ah, kuwaasoo markii dambe iyagoo careysan isaga baxay xariunta, waxaana warar ku dhow ay noo xaqiijiyeen in odayaasha iyo wasiirada ay isku afgaran waayeen dalab odayaasha ka soo baxay oo ah inaan loo gudbi karin ansixinta dastuurka iyadoo madmadow iyo wax aan bisleyn ay ku jiraan dastuurka.
Waxaa jira hadalheyn ah in odayaasha saddexda beelood ee ka horjeestay ansixinta dastuurka ay wada hadal kula jiraan odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle si ay uga dhaadhiciyaan diidmada dastuurka cusub kaasoo odayaashu shuruudo adag hordhigeen.
Dhanka kale waxaa aad u yar waqtiga u haray mudada loo qabtay ansixinta dastuurka oo klu beegan 12-ka bishaan July xilligaasoo ay tahay inay diyaar yihiin golaha dastuuriga ee ka kooban 825 xubnood oo ka wada kooban dhamaan beelaha Soomaalida, sida ku qoran qorshihii Addis Ababa ee 23-kii May, taasoo u muuqata inaysan ku diyaar garoobi karin.
Dawlada KMG ah ayaa dhankeeda ka cabaneysa inaysan heyn dhaqaale iyo tasiilaad ay ku socodsiiso shirka golaha dastuuriga ah ee dhacaya 12-ka July iyadoo la sheegayo in Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee taageera aysan weli bisin lacagihii ay u balanqaadeen meelmarinta dastuurka

All Posts
BBC 0400 GMT








