December 3, 2012 | Posted by admin
Cadaado

Cadaado Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa odayaal dhex dhexaadin bilaabaya u diray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka halkaasi oo ay ka jireen dagaal beeleedyo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Cumar Diiriye Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu ka qeyb qaadanayo dadaallada la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaanka Mareer ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ugu baaqay dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iney xabadda joojiyaan oo ay ku bedeshaan wadahadal waayo buu yiri dagaal wiil ayaa ku dhinta mooyee wiil kuma dhasho.

Xaalada deegaanka Mareer oo ay shalay ka dhaceen dagaal beeleedyo ay ku dhinteen ku dhowaad 40 ruux ayaa maanta degan ayadoo durbana ay isasoo tarayaan baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo maleeshiyo beeleedyada uu dagaalku u dhaxeeyo.

COMMENTS