March 9, 2012 | Posted by admin

DUHUUR-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo nin oo bastoolado ku hubeysan ay caawa nin oday dhaqameed ah ku dileen xaafadda Xamar Bile ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Macallin Maxamed ayaa la sheegay in uu ahaa oday dhaqameed muddo dheer deggenaa xaafadda Xamar Bile oo si aad ah loo yaqaannay.

Dad goob-joogayaal ah ayaa Duhur u xaqiijiyay in ragga dilka geysatay ay ku weerareen marxuumka goob ganacsi oo uu xaafadda ku dhex lahaa, kadibna ay baxsadeen.

Lama oga sababta iyo cidda ka dambeysa dilka ninka oday dhaqameedka ahaa.

COMMENTS