September 29, 2014 | Posted by admin

140924210533_president_barack_obama__512x288_getty_nocreditMadaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa qiray in laamaha sirdoonka ee dalkiisa, ay fududeysteen khatarta ay leeyihiin xooggaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallama gudaha Suuriya.
Mr Obama ayaa wareysi uu siiyay telefishin laga leeyahay Mareykanka ku sheegay in dagaalyahannada Al-Qaacida lagu jabiyay dagaalkii ay gudaha Ciraaq kula galeen, ciidammada Mareykanka oo gacan ka helayay qabaa’illada Sunniyiinta ee dalkaasi.
Balse waxa uu sheegay in ay ka faa’iideysteen hardanka siyaasadda ee ka taagan dalka dariska ah ee Suuriya.
Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale qiray in laamaha sirdoonka ee Mareykanka ay ka badbadiyeen awoodda ciidammada Ciraaq ee dagaalka kula jira ururka Daacish, taasina ay keentay in ururka uu dhul ballaaran ka qabsado Ciraaq.

COMMENTS