July 25, 2015 | Posted by admin

Madaxweyne Obama ayaa maanta furi doona shirweyne xagga ganacsiga ah, billowga maalin buuxda oo ka mid ah socodkiisa Afrikada Bari.
150724191935_obama_kenya_554x360_epa_nocredit
Waxaa la filayaa inuu ku baaqo dadaal ballaaran oo wax looga qabanayo musuqmaasuqa, laguna dhiirri galinayo ganacsatada dhallinta yar ee Kenya.
Mr. Obama wuxuu intaa ka dib booqan doonaa taallo loo dhisay dadkii ku dhintay qaraxii lagu weeraray safaaraddii uu Maraykanku ku lahaa Nairobi.
Waxa uu la kulmi doonaa madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadli doonaan wadahadallo laba geesood ah, kuwaasoo diiradda lagu saari doono, amniga gobolka, iyo khatarta kooxda Al Shabaab.
Maraykanka ayaa Kenya wuxuu ka gacan siinayey dagaalka ay kooxdaas kaga soo hor jeeddo, ayagoo dhowr ka mid ah hogaamiyeyaasha Al Shabaab ku dilay weerarro ay qaadeen dayaaradaha bilaa duuliyaha ah.

COMMENTS