February 14, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo mushkiladaha ka aloolsan Syria, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad ee dalka Mareykanka.

Mr. Obama iyo Cameron oo shalay khadka telefoonka kuwada hadlay ayaa isla soo hadal qaaday dhibaatooyinka ay maleeshiyada al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Dowladda Ingiriiska ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in muwaadiniin u dhashay dalkeeda ay ku biiraan kooxda al-Shabaab oo 9-ka bishan si rasmi ah ugu dhowaaqday inay ku biirtay urur weynaha al-Qaacidda.

Wada hadalka madaxweynaha dalka Mareykanka iyo ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya waqti yar ka hor shirka Soomaalida ee London oo uu iclaamiyay Mr. Cameron, kaasi oo la filayo in uu furmo 23-ka bishan.

Arrintan ayaa muujineysa sida ay qadiyadda Soomaaliya u tahay mid caalami ah, iyadoo dhibaatada burcad badeedda iyo argagixisada labaduba ay saameyn xooggan ku yeesheen caalamka.

COMMENTS