November 20, 2012 | Posted by admin

Danjiraha Somaliya ufadhiya Qaarada Yurub ahna wakiilka Somaliya ee Dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Cade) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar warbaahinta qaar sheegayeen inuu kireystay safaarada Soomaaliya ku leedahay talyaaniga.

Nuur Cade waxa uu sheegay in si qaldan wararka loo sheegay hayeeshee ay run tahay in la kireeyey lacagta kasoo xarootana ay dawlada leedahay.

Waxa uu sheegay Danjiruhu in shirkad talyaaniga laga leeyahay hesiis kula galeen in dib udhis kusameyso safaarada Somaliya ku leedahay Magaalada Roma taasi oo bur bursan.

“Hadalka sida loo dhigayo maahan, waa run waan kireeyey saafarada Somalia ee Talyaaniga laakiin waxaan idiin cadeeynayaa in lacagta kasoo baxda in dawladu qaadaneyso ayuu cod dheer ku sheegay Nuur Cade”.

Danjire Nuur Xasan Xuseen ayaa sheegay in ilaa shan guri Somalia ku leedahay Dalka Talyaaniga, isagoo sheegay warxumo tashiil hadaan la rabin maxaa loo kireyn waayey guryahaas kale ayuu yiri Nuur Cade.

Wakiilka Soomaaliya ufadhiya Qaarada yurub Nuur Cade ayaa waxa uu sheegay in shirkada lacag laga qaadi doono kiro ahaan isagoo tibaaxay in dib u dayactir lagu sameyn doono safaarada lacagtana ay dawlada jeebkeeda ku dhici doonto.

“Niyadeyda alle ayaa og ana waan isku kalsoonahay, lacagta shirkadaasi laga qaado ee kirada ah yaan loo maleyn in jeebka Nuur Cade ku dhaceyso ee dawlada ayaa qaadan doonta ayuu yiri Nuur Cade”.

Hadalkaan kasoo baxay wakiilka Soomaaliya ufadhiya Qaarada Yurub ahna safiirka Saafarada Somaliya ujooga Dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa kusoo beegmaya xilli isbuucaan warbaahinta Talyaaniga hadal hayeen kireynta safaarada Soomaaliya kuleedahay Dalkaasi.

COMMENTS