November 13, 2012 | Posted by admin


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo dhoweeyay kalsoonida uu baarlamaanka Soomaaliya siiyay golaha wasiirrada cusub ee uu magacaabay raysul wasaare Cabduqaadir Faarax Shirdoon.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada baarlamaanka ay muujinayso kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan dowladda, isagoo mudanayaasha baarlamaanka iyo shacabkaba ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub, “dhammaanteen waa inaan la shaqeynaa” ayuu yiri madaxweynaha.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo jeediyay wasiirrada cusub inay si degdeg ah u billaabaan howsha loo igmaday.
Qaramada Midoobay
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa soo dhoweeyay codka aqlabiyadda ah ee baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku ansixiyay xukuumadda.
Danjire Mahiga wuxuu sheegay inay tani tahay tallaabo kale oo muhiim u ah taariikhda Soomaaliya, maadaama toban qof oo keliya lagu soo koobay tirada wasiirrada, taas oo ah isbeddel wax ku ool ah oo uu sameeyay hoggaanka cusub ee Soomaaliya. “Si gaar ah waxaan ugu faraxsanahay in labo qof oo dumar ah loo magacaabay xilal wasaaradeed oo sarsare” ayuu Mahiga ku yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Augustine Mahiga wuxuu hambalyo u diray golaha cusub ee wasiirrada, isagoo ballan-qaaday inuu xafiiskiisa kala qeyb qaadan doono howlaha horyaalla.
Midowga Yurub
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa ugu hambalyeysay raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon taageerada ay wasiirradiisu ka heleen baarlamaanka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Catherine Ashton ayaa lagu sheegay in tirada la yareeyay ee wasiirrada ay tahay mid ku habboon baahiyaha lagama maarmaanka u ah barnaamijka shaqo ee xukuumadda, sida arrimaha ammaanka, nolosha iyo adeegyada bulshada. “Xilalka haweenka laga siiyay xukuumadda waxay muujinaysaa kaalinta muhiimka ah ee ay dumarku ku leeyihiin dib u dhiska mustaqbalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu dowladda Soomaaliya ka siiyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa 219 mudane waxay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub oo ka kooban 10 wasiir, saddex xildhibaan way diidday, saddex kalena way ka aamustay.

COMMENTS