June 14, 2017 | Posted by admin

Waxaa isa soo teraya Wili Weerarkii Xalay ka dhacay Muqdisho kaas oo lagu qaaday Hotel lagu Magacaabo Boosh.

Kooxa Hubaysan ayaa Weerar culus ku qaaday Hotelka Boosh waxaana sii kor dhaya Qasaaraha ka dhashay Weerarkii Halkaasi lagu Qaaday.

Xalay Ciidamada Amniga ayaa Baahiyay in la soo afjaray Weerarkii Boosh,Laakiin xalay dhan waxaa Magaalada Muqdisho laga maqlayay Risaas Cul culus iyo Jug Cul Culus.

Ciidamada Amaanka Ayaa Goor dhaw oo saaka ah shaaciyay in ay Soo afjareen Weerarka oo ahaa mid saameeyay labada Hotel oo kala ah Pece Hotel iyo Baar Boosh.

Lama oga warka Rasmiga ah ee ku saabsan Weerarkaasi iyo Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Warar Hor dhac ah ayaa sheegaya 16 ruux ay ku dhinteen 26-kalena ayaa ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacyada gaaray waxaa ka mid ah Ciidamada Amniga oo halkaasi Howl-gal ka waday Xalay oo idil.

La soco Faah faahinta.

COMMENTS