February 3, 2013 | Posted by admin

Saraakiisha ammaanka ee garroonka diyaaradaha Mumbai ee dalka India ayaa aroortii Jimcihii qabtay nin Soomaali ah oo sida la sheegay si qarsoodi ah dalkaas u galin rabay dahab.

Ninka la xiray oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq oo sitay baasaboorka dalka Holland ayaa la sheegay inuu ka safray dalka Imraadka Carabta, halkaas oo la tuhunsan yahay inuu dahabka ka soo qaaday.

Dahab culayskiisu dhan yahay 5 kilo garaam ayaa lagu qabtay Cabdirisaaq, iyadoo uu ku andacooday inuu iibin rabay sida ay saraakiisha India sheegeen.

Saraakiisha ammaanka waxay Cabdirisaaq ku sii daayeen dammaanad lacageed, inta ay baaristu socoto

COMMENTS