February 15, 2015 | Posted by admin

0b51d378

Maxamuud Cilmi Muxudiin oo ah muwaadin Somaliyeed, ayaa wuxuu ka soo muuqday Maxkamadda Magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga, iyadoo Maxkamaduna ku riday xabsi muddo 30 sano ah.

 

e0fd1e93

Ninkaan, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka masuul ahaa dhimashada 336 qof oo tahriibayaal ah, oo la socday dooni ku degtay Jazeerada Lampedusa, xilli doonidaasi ka soo shiraacatay xeebaha dalka Libya.

Maxamuud Cilmi Muxudiin oo 34 sano jir ah, ayaa waxaa sidoo kale lagu helay in uu ku kacay galmo ka dhan ah dumarkii la socday doonida ku degtay xeebaha dalka Talyaaniga.Boqolaalka ruux ee ku dhintay doonida quustay, ayaa waxay intoodu badan ka soo kala jeedeen dalalka Somaliya iyo Eritrea, sida ay xaqiijisay Maxkamaddu.

COMMENTS