March 31, 2015 | Posted by admin

Kooxo hubaysan ayaa xalay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ku dilay Malaaq Cali Cabdi Iidow iyo xaaska u dhexday, kadib markii ay ku weerareen aqalkiisa.

Kooxaha hubaysan oo watay Bistoolado ayaa malaaqa toogtay, waxaana ay la dileen xaaskiisa, sida ay sheegeen Odayaasha Magaalada.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Boqoleyda oo uu deganaa malaaqa dilka loo geystay.

Malaaqa la dilay ayaa wuxuu ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baydhabo ee doorka ku lahaa dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen waxgaradka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ku cambaareyeen dil loo geystay Malaaq Cali iyo xaaskiisa.

Kulanka ka dib ayaa saxaafada waxaa la hadlay Malaaq Max’ed Yacquub Malaaq Deerow oo ah afhayeenka Odaasha dhaqanka Koonfur galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin dilka Malaaqa iyo Xaaskiisa, islamarkaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo dadka ka danbeeya dilkaasi.

Meydka Nabadoonka iyo Xaaskiisa ayaa maanta lagu aasay magaalada Baydhabo,iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Dhawaan waxaa sidaas oo kale magaalada Baledweyne lagu dilay Nabadoon caan ah, nin ilaalinayey iyo qof kale oo ka mid ah qoyskiisa.

COMMENTS