December 5, 2012 | Posted by admin

Wararka ka imaanayo gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen nin ka tirsan Al-shabaab oo fulin rabay weerar ismiidaamin ah uu la beegsanayay Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Kismaayo iyo kuwa Kenya ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.

Sida dad goob joogayaal ah ay saxaafada u sheegeen waxaa qabashada ninkani isqarxin rabay ay ka dambeysay baaritaan ciidamada dowladda ay habeenkii xalay ahaa ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Saraakiil u hadlay maamulka Kismaayo ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan rag kale oo la tuhunsanyahay oo iyana loo qabtay falalkii amni xumo ee maalmihii dambe ka dhacayay magaala xeebeedka Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubooyinka C/naasir Seeraar Maax, ayaa sheegay in qabashada ninkan ay fududeeyeen xubno horey uga soo goostay kooxda la wiiqay ee xarakada Al-shabaab.

“Waanu hubinay ninkani wuxuu doonayay inuu fuliyo weerar ismiidaamin ah, waxaana qabashadiisa noo fududeeyay rag horey uga soo goostay Al-shabaab oo safkeenna ku soo biiray” sidaasi ayuu warbaahinta u sheegay Mr Seeraar.

Qabashada ninkani ka tirsan fallaagada Al-shabaab ayaa ku soo beegmeysa iyadoo howlgallo baaritaanno guri guri ah ay ciidamada dowladda maalmihii dambe ka wadeen magaala xeebeedka Kismaayo, waxaan magaalada dhawaan ka dhaqan galay bandow habeenkii ah.

COMMENTS