February 28, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Dowladda Yemen ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen wadankaasi si ay ugu bar bar dagaalamaan Al-qaacidada dalkaasi.

War bixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in dalkaasi ay galeen 300- oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab si ay uga barbar dagalamaan Al-qaacidada Yemen.

Warku ayaa lagu shegay in rag ka tirsan AL Shabaab  kuna hubaysan  hubka nuucyadiisa kala duwan ay kasoo dageen gobolka Ebyan  ee dalka Yemen, hase ahatee ciidamada ammaanka dalka Yemen ayaa la sheegay inay kawar heleen halkaasina ay ka bilaabeen howlgallo lagu sugayo ammanka.

Dowladda Yemen ayaa xustay in Xeebaha Magaalooyinka Cadan, Ebyan iyo Sanca lagu dadiyay ciidamo badan si ay uga hortagaan rabshado ay laga geysto  dalka Yemen.

Sidoo kale ciidamada ammanka dalka Yemen ayaa sheegay inay barayaan baabuurta soo galaysa magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Yemen kuwaasi oo ay tilmaameen in waxyaabo ka baxsan amman darida lagu abuuro karo.

Dhawaan ayaa  Safaaradda Soomaaliya waxa ay sheegteen in 500, oo ka tirsan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ay soo galeen gudaha wadanka Yemen si ay ugu barbar dagaalamaaan Al-qaacidada dalkaasi.

COMMENTS