December 29, 2012 | Posted by admin

Dowlada Nigeria ayaa shaaca ka qaaday iney Soomaaliya usoo direyso ciidamo boolis ah oo aan tiro badneyn kadib markii Midowga Afrika iyo Nigeria kala saxiixdeen heshiis ciidamadaas lagu geynayo Soomaaliya.

War kasoo baxay xukuumada Abuuja ayaa lagu sheegay in ilaa 140 askari oo boolis ay usoo direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo ku biiri doona hawlgalka Amisom ee ka socda dalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa Midowga Afrika u saxiixay gudoomiyaha guddiga nabadda iyo amaanka Midowga Afrika Ram-tane Lamamra, halkada dowladda Nigeria uu u saxiixay wakiilkooda u fadhiya xarunta Midowga Afrika Bulos Lolo.

Agaasimaha Nabad Ilaalinta ee ciidamada booliska ee dalka Nigeria Kayode Aderanti ayaa sheegay in go’aanka ay ciidanka cusub ugu soo dirayaan Soomaaliya uu yimid kadib markii wadahadalo ku aadan arintaas uu la yeeshay xukuumada Niageria madaxa amaanka iyo nabadgalayada ururka Midowga Ambassador Ram-tane Lamamra,

Ciidamada booliska ka socda dalka Nigeria ayaa qeyb ka noqoanaya waaxda booliska ee ciidamada Midowfa Afrika ee Amisom, waxaana Nigeria horay Soomaaliya uga joogay tabarayaal ciidan iyo ciidan kooban oo boliis ah.

COMMENTS