December 22, 2014 | Posted by admin

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka hadlayay waxyaabihii u qabsoomay Xafiiska UNSOM tan iyo markii bishii June ee sanadkii 2013 loo soo wareejiyay Soomaaliya ayaa sheegay in horumaro la taaban karo laga gaaray dhinacyada siyaasada iyo Ammaanka.

Mr Kay ayaa sheegay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay Soomaaliya horumaro layaab leh ay ka sameysay dhinacyada ammaanka iyo siyaasada, iyadoo taageero ka heleyso Qaramada Midoobey iyo AMISOM.
Waxaa uu sheegay in sanadka soo socda ee 2015 la qorsheynayo in afti loo qaado dastuurka qabyada ah marka dib u habeyn lagu sameeyo, si sanadka 2016 dalka uga dhacaan doorasho.

Nicholas Kay ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqaalaha UN-ka ee ka howl gala Soomaaliya ay gaarayaan ilaa 300 shaqaale maalmo walba ka howl gala Soomaaliya, inkastoo uu muujiyay inay caqabado jiraan, waxaana uu xusay in boqol ka mid ah ay yihiin ciidamo caalami ah oo ilaalo u ah Qaramada Midoobey.

Mar uu ka hadlayay hirgelinta nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada, ayuu sheegay inay tahay mid rajo gelineysa sidii doorasho uga dhici laheyd Soomaaliya, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko horumarada la gaaray 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Amb. Nicholas Kay ayaa sheegay Qaramada Midoobey ay doorka ugu weyn ka ciyaareyso taageerada Soomaaliya, sidoo kalen Midowga Afrika iyo IGAD ay si dhow ula shaqeynayaan Soomaaliya, isla markaana ah saaxibada ugu xoogan ee Soomaaliya ku leedahay Caalamka.

Waxaa uu sheegay inay kala duwan tahay aragtiyada Soomaaliya ee ku aadan federaalka, kuwana ay taageersan yihiin, kuwana ay ka soo horjeedaan, gaar ahaan Somaliland, waxaana uu sheegay in wali dhibaato ka jirto in la helo Hal Soomaali ah, maadaama Somaliland ay horay ugu dhawaaqday inay ka madax banaan yihiin Soomaaliya inteeda kale, balse ay wali socdaan wada hadalo.

“Somaliland waxay 1991 ku dhawaaqday madax banaani, balse wali looma aqoonsan si dal madax banaan ah, taasna dhibaato gaar ah ayay ku tahay”ayuu yiri Nicholas Kay.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arrinta Somaliland ayuu sheegay maamul wax badan ka qabta arrimahooda, kadib markii 1991-dii ay ku dhawaaqeen inay yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya, waxaana uu dhiira geliyay horumarka ka jira.

Ugu dambeyn Nicholas Kay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada Soomaaliya ay siiyaan, si ay u caawiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS