April 23, 2014 | Posted by admin

Ergega Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa si xoogan u cambaareeyay labada Xildhibaano ee Isniintii iyo Talaadadii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Amb. Nicholas Kay, ayaa wuxuu walaac ka muujiyay dilalka ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho, wuxuuna yiri “Waxaan ka walaacsanahay weerarada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho.”

Nicholas Kay, ayaa sheegay in Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal uu noqonaayo Mudanihii labaad oo lagu dilo Magaalada Muqdisho, in ka yar buu yiri 48 saacadood.

“Mursal waa mudanahii labaad ee lagu dilo Magaalada Muqdisho in ka yar 48 saacadood,  Isniintii waxaa isna la dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino), labada dilba waxaa sheegatay Al Shabaab” ayuu yiri Nicholas Kay.

Amb. Kay, waxa uu Dowladda Federalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay gacanta ku soo dhigto kuwii ka dambeeyay dilalka Xildhibaanada, deetana ay Cadaalada horkeento, sida uu yiri.

War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Danjire Nicholas Kay, ayaa waxaa lagu sheegay Ururka Al Shabaab inaanay lahayn awood kale, aan ka ahayn in ay geystaan dilal gaadmo leh oo arxandaro ah.

COMMENTS