September 10, 2012 | Posted by admin

Waxa la soo gabagabeeyay  tirinta codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo wareega 3-aad ay ku tartamayeen musharrax Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii ugu dambeeyay DKMG ah.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in musharrax Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleestay wareega seddaxaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya isagoo helay 190 cod halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 79 cod kaliya.
Waxaa markii natiijadaasi lagu dhawaaqay mar qura sacab iyo farxad uu ka bilawday hoolka shirarka ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho iyadoo ay adkaatay in la maqlo khudbadaha hoolka ka socda.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale raysul wasaarihii hore C/weli Gaas ayaa soo istaagay oo gacanqaaday madaxweynaha la doortay.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyay caawa isbadalka ka dhacay magaalada Muqdisho, waxana magaalada caawa laga maqlayaa rasaas taasoo ah dabaal dagyo.

COMMENTS