February 1, 2013 | Posted by admin

Dalka Kenya ayaa lagu qaban doonaa shir looga hadlayo maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya, kaas oo la iskula eegi doono fursadaha ganacsi ee ka jira dalka, sida ay maanta sheegeen qaar ka tirsan dadka wax ka abaabulaya shirka.

Shirka oo noqon doona mid ay madaxdu ka qeyb gasho ayaa dhici doona 12 – 13 June ee sanadkan, waxaana soo abaabulay Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya (Somalia Economic Forum – SEC).

Maareeyahaya golaha Xasan Dudde oo war ka soo saaray Nairobi ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay horay u qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed, kuwaas oo horseeday in ay soo baxaan fursado ganacsi iyo kuwo dib loogu dhisi karo dalka.

“Shirka maalgashiga Soomaaliya wuxuu fursad bandhig u noqon doonaa shirkadaha isgaarsiinta, gaadiidka dhismaha, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo warshadleyda” ayuu yiri Xasan.

Waxaa jira dad badan oo maalgashi sameeya oo horay u muujiyay inay daneynayaan dhaqaalahooda inay geliyaan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay arkeen shirkadaha Coca-Cola, Turkish Airlines, Africa Oil, SKA iyo kuwa kale oo ka howlgalaya caasimadda Soomaaliya.

COMMENTS