October 30, 2012 | Posted by admin

Dowlada wadanka Kenya ayaa weydiisatay dowlada Eritrea inay taageerto nabada ka hor inta aysan dib ugu soo biirin Urur Goboleedka IGAD oo ay sheegtay in dowlada Eratareya ay dooneyso inay ku soo biirto,taasi oo horay loogu jeediyay ka mid ahaanshaha urur Goboleedka IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa iminka waxa uu ka kooban yahay dowladaha Djabuti,Ethiopia,Kenya,Somaaliya,koonfurta Sudan,Sudan iyo Uganda.

fariin qoraaleedka gaar ah oo ka timid dalka Erateraya gaar ahaan Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afewerki ayaa waxa ay gaartay dalka Kenya,Madaxweynaha dalka Kenya Mwa Kibaki ayaa in Kenya ay daneyneyso inay la shaqeyso dhamaan dowladaha dariska ah ee jecel nabada Africa.

Dowlada wadanka Eratariya oo xubin ka ahayd dowladaha ku jira Urur Goboleedka IGAD ayaa dhawaan sanadkii 2007 laga saaray,iyadoo lagu eedeyay in dowlada Eratariya ay taagersay islaamiyiintii ka jiray gudaha wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki ayaa si diiran u soo dhaweeyay go,aan Eratariya ee ku aadan in dib au ugu biireyso Urur goboleedka IGAD,ujeeda waxa ay tahay kaliya in Eratariya ay taageerto nabad ka dhalatay wadamada africa,sidaasi madaxweynaha kenya ayaa ku sheegay hadalka soo baxay madaxtooyada dalkaasi.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Isais Afeweker ayaa ka hadlay fikridiisa ku aadan kenya,isagoona sheegay in kenya ay tahay wadan jecel nabada iyo ka shaqeyntiisa,waxa uuna ugu danbeyntii ugu baaqay in kenya ay ka shaqeyso sidoo dowladiisa qeyn kaga noqon lahayd IGAD.

COMMENTS