July 15, 2015 | Posted by admin

Waxaa laga soo wariyey Ibn Cabaas a.k.r inu maqlay Cumar oo ka leh minbarka: waxaan maqlay nabiga s.c.w oo leh waxaan la kulmay Muuse habeenkii la i dheelmiyey, oo tilmaamay, wuxuu yiri: wuxuu ahaa nin dheer oo timo baxsan sida inu yahay mid ka mida reer Shanuu’a . Nabiga s.c.w wuxuu intaa ku daray: waxaan la kulmay Ciise oo ka bixiyey tilmaan wuxuu yiri: waa nin meel dhexaad ah dheerar ahaan oo waji cas sida inu markaas ka soo baxay musqusha, oo waxaan arkay ibraahim anigaana ilmihiisa ugu shabaha dhaw oo u eg muuqaal ahaan.

Abuu Hureyra ayaa ka soo wariyey nabigeena maxamed c.s.w inu yiri: Anibiyadu waa walaalo isku Aabe ah, diintoodu waa mid, hooyadoodna waa kala duwan-yihiin .. nabi maxamed ayaa yiri: anigaa ugu dhaw Ciise cid kale oo dhan. waayo ma jirin nabi noo dhaxeeya aniga iyo isaga ( u dhaxeysay 600 sano) .. Waxuu ka imaan-doona Samada, markii aad aragto waad aqoonsan-doontaan, waa nin meel dhexaad ah dheerar ahaan, oo u dhexeeya midab ahaan caddaan iyo casaan, soo jiidasho leh. madaxiisa waa sida inuu ka daa’yo biyo inkasto usan qoyaneyn, wuxuu haysan-doonaa laba ulood. wuxuu jabin-doona Macatabka, oo dili-doona khansiirka oo dhigi-doona jizyada, oo baabiin doona dhamaan diinaha marka laga reebo islaamka. Alle wuxuu ku halaagi-doonaa Dajaal gacmihiisa, waxaana arlada ku faafi-doona nabad. waxaad arki-doontaan geel wax la daaqaya libaaxyo, shabeel la jooga lo’ iyo yey la joogta ari oo aan wax yeeleyn, ilmaha waxay ku ciyaari-doonaan masaska oo wax isma yeeli-doonaan. Ciise wuxuu joogi-doonaa arlada 40 sano, amase intii ilaahay u Qadaro, dabeeto wuu dhiman-doona. waxaa ku tukan-doona salaad janaazo muslimiinta, oo dabeeto Aasi-doona

COMMENTS