July 27, 2014 | Posted by admin

Waxaa xalay ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya xabsiga dhigeen guddoomiye ku-xigeenkii ammaanka degmada Kaxda, C/naasir Xasan Cali iyo taliyihii nabad-sugidda degmadaas, Muuse Gaab.

Degmada Kaxda waa degmo dhawaan lagu daray degmooyinka gobolka Banaadir, waxeyna noqotay degmada 17-aad, iyadoo laga jaray degmada weyn ee Dharkeyley.

Sababta loo xiray labadan mas’uul ayaa lagu sheegay iney jawaab u aheyd iska horimaad dhexmaray ilaaladooda, kaddib muran soo dhexgalay, waxaana amarka bixiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la xiray mas’uul kale oo ka tirsan maamulka degmada Kaxda, kaasoo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa shaqaaqada shalay aka dhacday Kaxda.

Dagaalka dhexmaray ilaalada labada mas’uul ayaa waxaa ku dhintay saddex ka mid ah labada dhinac; iyadoo ay ku dhaawacmeen intaas ka badan, balse lama sheegin khasaare dagaalkaas kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Mas’uuliyiintan la xiray ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu gacan ka hadal dhexmaro, iyadoo aan la ogeyn inta casho ay xirnaan doonaan ragaan.

COMMENTS