November 22, 2012 | Posted by admin

Nabadsugida Dowlada Qaranka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay meydka horjooge ka tirsanaa Shabaab iyo 16 qofood oo uu hoggaaminayay kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamadu ay heleen xog ku saabsan in horjoge  C/nuur Gacmoole “Gardhuub” oo ah ninka la dilay iyo maleeshiyaad uu wato ay hub ku heystaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, ciidamaduna ay saakay soo qabteen.

Horjoge C/nuur Gacmoole “Gardhuub”

Ninkan la dilay ayuu sheegay taliyuhu inuu dagaalamay ciidamaduna ay toogteen, kadib markii uu iska caabiyay.

C/risaaq Ibraahin Salaad oo ka mid ah dhalinyaradii la soo qabtay ayaa sheegay in maleeshiyaadkaani ay gurigiisa hubka dhigan jireen, warbixina uu siiyay hay’adda nabad sugidda kaddib markii goor sii horreysay ay gacanta ku dhigeen.

Hay’adda Nabadsugida ayaa sidoo kale soo bandhigtay hubkii ay heysteen maleeshiyaadkaan la soo qabtay oo ay ku jireen qoryaha fudud, baasuukeyaal, Bambada gacanta laga tuuro iyo bustoolado, hubkaas oo ahaa kii shacabka iyo dowlada cusub lagu waxyeelayn jiray.

COMMENTS
  1. waaaymahadsanyihiinciidanka nabadsugida.waan in eesiilab laabaanilaalinta dalka iyodadka iskan ilaaliyaanin ee dagaalamaan yaan wadan ka gudihiisa lagudeen halagu xukumo xabsi daain