January 1, 2013 | Posted by admin


Garoowe– Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa ku adkeysanaya in shan sano uu dhamaysan doono isla markaana aysan doorasho dhici doonin Bishan January.

Arintaas ayaa waxaa ka dhiidhiyay qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradaka Puntland oo qaarkood Puntland looga masaafuriyay halka kuwa kale xabsiga la dhigay taasina ay keentay rabshado iyo qilaaf aan dhamaad leheeyn.

Nabadoon Yaasiin Cabdi-Samad waxaa uu kamid ahaa nabadoono lagu xiray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana uu faah faahin ka bixiyay sababihii loo xiray iyo sida loola dhaqmay.

Sidoo kale waxaa uu warbixin dheer ka bixiyay xaalada siyaasadeed ee waqtigan ka taagan deegaanada Mamulka Puntland gaar ahaan siyaasada Madaxweyne Faroole.

COMMENTS