February 20, 2017 | Posted by admin

Kooxo hubeysan ayaa Caawa Degmada Xamar Jajab waxey ku Dileen Nabadoon caan ka ahaa Magaalada Muqdisho.

Nabadoonkan ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Ibraahin, kadib markii Kooxo hubeysan ay gurigiisa ugu galeen islamarkaana halkaasi ay ku dhex dileen.

Goobjooge ku sugan Xamar jajab ayaa waxa uu sheegay in Kooxa Dilka fuliyay ay ku baxsadee Gaari nuuca raaxada oo ay wateen.

Marxuumka ayaa horey ugu dhaawacmay Weerar lagu qaaday mid ka mid ah hoteellada Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Xamar Jajab oo ku aadan Dilka Nabadoonkaasi.

COMMENTS