August 16, 2017 | Posted by admin

Degmada Mahadaay ee Gobalka sh/dhaxe wararka aan ka heleeno ayaa sheegaya  in nin hubeysan uu ku dilay Nabadoona Caan ahaa  tuulo lagu magacaabo Shaan oo ahaa nabadoon si wayn looga yaqaano Degmada mahaday iyo Tuulooyinka ka ag dhaw.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabaa Xasan Aweys oo ku magac dheer Alla-Yaqaan.

Nabadoonka ayaa la dilay isagoo ka yimid beer uu ku lahaa deegaankaas meel aan ka Fogeen,

Wararka ayaa sheegaya in nin ku hubeysnaa qoriga AK47 uu dilay nabadoonka, dabadeedna uu ka qaatay mooto uu watay.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu u baxsaday deegaanada dhaca galbeedka Shabeellaha Dhexe, oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Lama oga Sababaha ka dambeeyay dilka Nabadoonka, Hasa yeeshee waxaa Loo badinayaa in dilkaas uu ku salaysan yahay aanooyin Qabiil.

COMMENTS