December 7, 2012 | Posted by admin

Nin nabaddoon ahaa ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu dilay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Faarax ayaa meydkiisa oo gowracan la soo dhigay meel hal km u jirta degmada Ceelbuur, sida ay Duhur.com u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyay dilka in ay ka dambeyso Al-Shabaab oo ku sugan Ceelbuur.

Wuxuu sheegay in sababta nabaddoonka loo dilay ay tahay markii uu ku gacan seyray in uu Al-Shabaab u soo ururiyo lacag iyo raashin ay ka dalbadeen.

Nabaddoonka la dilay wuxuu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida aadka ah looga yaqaanno degmada Ceelbuur.

COMMENTS