July 22, 2015 | Posted by admin

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Ceelasha biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo meelo kale oo u dhaw degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo baaritaanno ka sameeyay guryo ay ku tuhmayeen inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, waxaana ciidamadu ay gacanto dhallinayarro badan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda waxa ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen qalab ciidan iyo raggii watay oo la aaminsanyahay inay yihiin qalab ciidan oo laga soo qaatay bar ay ciidamada AMISOM ay horey uga deganaayeen gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo waxa ay yihiin iyo meesha ay ka keeneen.

COMMENTS