February 13, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ummada Soomaaliyeed ku guubaabiyay dagaal aan look ala harin in ay la galaan Qabyaaladda, iyadoo arrintaasina ay shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmahan waday dadaal ballaaran oo uu ugu jiro in uu ummada Soomaaliyeed u iftiimiyo sidii ay u sii xoojin lahaayeen isdhexgalka Bulshada ayaa waxaa uu ka hadlay sida waqtigaan loogu baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay gartaan wanaagga iyo Kheyrka ku jira in ay ka fogaadaan Qabyaaladda.

Madaxweyne  Shariif ayaa carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed  looga baahan yahay dagaal aan kala har lahayn oo ay sida Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ulla dagaallamaan Qabayaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax uga daran ee dhaawacay Muraalka ummada Soomaaliyeed.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka ku guubaabiyay in meesha laga saaro Qabyaaladda isla markaana dib loo soo celiyo Soomaaliya oo mideysan, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen haddana  inta hartay ay Gacmaha is qabsadaan.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Waxgaradka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhaweeyay haddalkii ka soo yeeray madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay garab taagan yihiin arrintaasi isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya midanimadeeda loo soo celin.

COMMENTS