October 8, 2012 | Posted by admin

Mogadishu: (Duhur):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda magaalada Kambaala ee wadanka Uganda.

M/weyne Hassan ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya wasiiro ka tirsan dowladda, Taliyaha ciidanka XDS, agaasimaha nabadsugida iyo saraakiil kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in magaalada Kambaala ee wadanka Uganda uga qeyb galayo sanad guuradii 50 ee ka soo wareegtay xoriyada dalkaasi, isagoona kulamo la qaadan doono dhigiisa dalka Uganda Uweri Musanfani.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Kambaala uu kulamo kula qaato Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi.

Safarkan uu Madaxweynaha ugu ambabaxay dalka Uganda ayaa ah safarkii ugu horeyay oo uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii loo magacaabay xilka Madaxtinimo ee dalka 10 bishii September sanadka.

COMMENTS