January 16, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku joogo dalka Mareykanka ayaa maanta booqday aqalka Kongreeska Mareykanka iyagoo  la kulmeen 20 mudane oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Kongareeska.

Madaxweynaha waxa uu warbixin ka siiyay mudanayaasha xaaladda Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan amaanka waddanka, isagoo ku boorriyay mudanayaasha Mareykanka iney soo booqdaan Soomaaliya, ayna sidoo kale dowladda Mareykanka ay dib uga furato safaaraddeedii Muqdisho.

Dhinaca kale madaxweynaha waxa kale uu ka hadlay xiriirka labo-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, mar uu ka warbixinayay xirriirka Soomaaliya iyo wadamada la dariska ah ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo wadamada dariska ah xiriirkooda uu aad u wanaagsan yahay.

Wafdiga madaxweyanaha la socdo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirradda Arrimaha Dibadda ahna R/W/ku-xigeenka Soomaaliya Fowziya Xaaji Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/llahi Ciilmooge.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa iney la kulmaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Washington DC iyo nawaaxigeeda, kadibna ay u sii gudbaan Gobolka Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu faraha badan ee ku nool dalka Maraykanka.

COMMENTS