January 31, 2013 | Posted by admin

European Commission President Jose Manuel Barroso (R) shakes hands with President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud as he welcomes him prior to their working session on January 30, 2013 at the EU Headquarters in Brussels. AFP PHOTO GEORGES GOBET (Photo credit should read GEORGES GOBET/AFP/Getty Images)

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegey xarunta midowga Yurub ayaa la kulmay madaxda ugu sareysa ururka Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxdii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Jose Manuel Barroso iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy.

Wareysi ay la yeelatay madaxweynaha laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBCda ayaa waxa uu ku sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub ayna ka wada hadleen wax uu ugu yeeray ‘waayaha cusub’ ee Soomaaliya ay gashay iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay aad isku af garteen madaxdii uu la kulmay uuna diyaar u yahay in dowladdiisa ay ka taageeraan dhinacyo fara badan, sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Midowga Yurub ayaa ballanqaaday in uu qabanqaabin doono shirweyne arrimaha Soomaaliya looga hadli doono gaar ahaan sidii tobanka sano ee soo socda kaalmo loo siin lahaa dowlada Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tegay magaalada Brussels booqasho rasmi ah oo uu martiqaad ka helay Midowga Yurub.

European Union President Belgian Herman Van Rompuy (R) welcomes President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud before to their bilateral meeting at EU Headquarters in Brussels on January 30, 2013. AFP PHOTO /JOHN THYS (Photo credit should read JOHN THYS/AFP/Getty Images)

COMMENTS