February 26, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waraaqahooda aqoonsiga ka guddoomay safiirro cusub oo ay Soomaaliya u soo magacaabeen shan dal oo ka tirsan Midowga Yurub.

Shantan safiir ayaa waxa ay kala yihiin Safiirka Jarmalka Margit Hellwig-Botte, Safiirka Faransiiska Etienne De Poncins, Safiirka Spain Javier Herrera Garcia Canturi, Safiirka Belgium Bart Ouvry iyo Safiirka Finland  Sofie From Emmesberger.

Kulankan madaxwynahu uu shantan safiir la yeeshay waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Xaaji Adam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Kamal Dahir Xassan (Gutaale).

Madaxweynaha oo ka hadlay xafladda soo dhaweynta safiirada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay, soona dhaweynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee shantan wadan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  xusay in Soomaaliya ay si tartiibtartiib ah  dib uga soo dhex muuqaneyso beesha caalkamka,  taasoo ay ugu wacan tahay buu yiri taageerada ay Soomaaliya la garabtaagan yihiin wadamo ay ka mid yihiin shantan dal oo qeyb ka qaadanaya hormarka iyo xalinta dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

COMMENTS