January 28, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay khudbad ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Khudbada Madaxweynaha oo aheyd mid soo jiidasho leh ayaa mar qudha sacab isqabsaday Madaxda Afrikaanka, kadib markii uu cadeeyay in Soomaaliya ay ku soo laabatay maqaamkeeda, doorkeedana aan la yareysan karin, isla markaana aanay cidna dul saar ku aheyn

“Iyadoo kal iyo laab iga ah aan cod dheer ku iraahdo Mahadsanidiin Afrika, Soomaaliya cidna dul saar kuma ahan ee yaan la isku tuur tuurin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo intaa ku daray in Soomaaliya si buuxda beesha caalamka ugu soo laabatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay ka mid tahay aas aasayaasha Ururka Midowga Afrika.

“Waxaan ka mid aheyn aas aasayaasha Midowga Afrika, Soomaaliya waa dhab riyo ma ahan, maanta booskeeda ayay ku soo noqotay oo kursigiisa ku fadhiya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweynaha ayaa sheegay inay yihiin sidii canug yar oo u baahan in la baro socod, isla markaana caawinaad ugu baahan walaal.

“Waxaanu nahay sidii canug yar oo u baahan in la baro socod, waxaan nahay walaal u baahan in la caawiyo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay in gudi saddex geesood ah loo saaro sidii qaxootiga Soomaalida dalka dib loogu celin lahaa. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka codsaday Midowga Afrika in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka saaran, si dowladda awood ugu hesho dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

COMMENTS