December 4, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga.

Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta, wasiirka wasaaradda difaaca dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ka sogootiyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” afhayeenka Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo saxaafadda kula hadashay Garoonka ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heleen dowladda Turkiga ayna kulamo la qaadan doonaan madaxdaasi.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada. “Waxaa u aadaynaa dalka Turkiga si aan u xoojinno xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale madaxda Turkiga waxaan kala hadli doonnaa arrimo kale oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin: ammaanka dib u dhiska ciidamada, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha,” inta uu Madaxweyne Hassan ku sugnaan doono Dalka Turkiga ma cado.

COMMENTS