February 4, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga magaalada London ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmi Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.

Kulankan ayaa ka dhici doona Xafiiska Number 10 oo ku yaala down Street, halkaasoo Ra’iisul Wasaaraha Britain ku qaabilo martida iyo madaxda dalkiisa booqata.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doona arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha shirka May ka dhici doona magaalada London, kaasoo ay si wadajir ah u shir gudoomin doonaan labada mas’uul.

Dowladda Britain ayaa si aad ah isha ugu heysa arrimaha Soomaaliya, iyadoo markii u horeysay muddo labaatan sano ay Safiir u magacawday Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sii xoojin doona taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska iyo gar-gaarka samafalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay xoojiyeen xiriirka arrimaha dibada ee dowladda Soomaaliya la leedahay Caalamka, isagoo aqoonsiga Mareykanka iyo dowladaha Midowga Yurub ku tilmaamay mid Soomaaliya oo dhan faa’ido u leh.

COMMENTS